U bood dhigaalka

Baydhabo: Saraakiil Loo Tababaray Caafimaad

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka tirsan millateriga dowladda federaalka ayaa magaalada Baydhabo loogu soo xirey tababr la xiriira gargaarka degdegga ah.

Tababarkani oo ay bixinayeen taliska AMISOM ee magaalada Baydhabo waxaa loo qabtay oo ka faa’iideystay illaa 6 sarkaal kuwaasoo la baray culuum kamid ah caafimaadka.

Saraakiishani gargaarka degdegga ayaa loo tababaray in sidii ay adeegyo caafimaad ugu sameyn lahaayeen ciidanka millateriga dowladda federaalka marka ay ku guda jiraan howlgallada ciidan oo ay ka sameeyaan degaannada gobollada Koonfur Galbeed ee dalkani.

Madaxa hoggaanka caafimaad ciidanka millateriga Liibaan Xuseen Cismaan oo ka hadlay madasha lagu soo xirayay tababarkani ayaa soo dhoweeyay in ciidanku ay helaan shaqsiyaad iyaga kamid ah oo la garab taagan adeegyo caafimaad waqtiyada adag ee dagaalka.

“Waan soo dhoweyneynaa in ciidanku helaan tababar caafimaad si ay isugu gurmadaan, hase yeeshee tababarkani kuma ekaan doono gobolka Baay waxaana qorshaha uu yahay inaan gaarno gobollada kale ee taliska qeybta 60-aad sida Bakool iyo Gedo” ayuu yiri Liibaan Xuseen.

Dhanka kale, Taliyaha qeybta 60-aad ee millateriga dowladda Jeneraal Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa sheegay in ciidanku ay u baahnaayeen helitaanka  dadka ka gacan siiya adeegyo caafimaad.

Taliyaha ayaa sheegay inay u baahan yihiin sare u qaadista aqoonta ciidanku u leeyahay badbaadinta nafta iyo la tacaalidda dhaawacyada markii ay yimaadaan tusaale marka ay dagaallada iyo howlgallada gaarka ahi jiraan oo kale.

Goobjoog News