U bood dhigaalka

Baydhabo: Waddo 3-KM Ah Oo La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhagax dhigay Waddo 3-KM ah oo kasoo bilaabaneysa garoonka diyaaradaha Baydhabo, sidoo kalena ku eg madaxtooyada magaaladaasi.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee K/galbeed C/laahi Aadan Cali , oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay gacan weyn ka geysanayaan wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo tan maamulkooda.

Wuxuu sheegay wasiirka in wadadan ay sidoo kale shaqo abuur u tahay dhallinyarada ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dowladda Federaalka oo gacan weyn ka geysatay arrintan, dhanka kalena shaqo abuur ayeey  u tahay dhallinyarada Baydhabo ku sugan” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan ayaa dhismaha wadadan ku sheegay iney tahay mid muhiimad weyn leh, isaga oo tilmaamay in lasoo wadi doono dib u dhiska.

“Cid walbo oo kaalin ka geystay dib u dhiska wadadan aad baan ugu mahadcelineynaa, dadweynaha reer K/galbeed gaar ahaan dhallinyarada shaqo abuurka loo sameynayo iney ka faa’ideystaan ayaan ugu baaqeynaa oo si wanaagsan u dhisaan” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sanadahan dambe laga dareemayaa iney kasoo kabaneyso burbur ay muddo badan ku jirtay.

Goobjoog News