U bood dhigaalka

Beelihii Ku Dagaallamay Baladweyne Oo Ku Heshiiyay Lix Qodob

Sheeko:Dalka

Waxaa heshiis horudhac ah la kala dhex dhigay beelihii dhawaan ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, dagaalkaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Heshiiskaan ayaa ka kooban Lix qodob, waxaana damaanad qaade ka ah wasiirKa amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Qodobada ay ku heshiiyeen beelahaan waxaa ka mid ah adkeynta Xabad joojintii lagu heshiiyay, inaysan sameyn dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo qodobo kale.

Hoos ka akhriso Heshiiska.

heshiis-baladweyne-1

heshiis-baladweyne-2

Goobjoog News