U bood dhigaalka

Beelihii Ku Dagaallamay Magaalada Baladweyne Oo La Heshiisiiyay

Sheeko:Dalka

Muddo wadahadal socday ka dib , waxaa si horudhac ah loogu guulaystay in la kala dhexgalo belihii ku dagaallamay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan iyadoo dhinacyada ay kala saxiixdeen Heshiis Is faham ah oo Labada dhinac qanciyay.

Nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayow waxa uu kamid yahay waxgaradka kaalinta wayn ka qaatay in beelahaasi la kala dhax galo si looga baaqsado in Gobolku uu noqdo Meel dagaal, waxa uu Goobjoog News u sheegay in hadda la dhameeyay wax walbo oo la’isku haystay.

“Maleeshiyaadkii dagaallamay waxaa kala dhexgalay Ciidamada AMISOM, waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada gobalka, waxaan tagnay meelihii lagu dagaallamay, waxaana la gaaray guul muhiim ah, waxaan Labadii dhinac aan ka dhaarinnay min Shan Nin si howshu ay cadaalad ugu socoto” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in hadii mar kale Labadaan qolo midkood dagaal uu billaabo in la ganaaxayo lacag dhan 10-kun oo doolarka Maraykanka.

“Waxaan ku ballannay in cidii dagaal dambe billawda ay ganaaxan tahay 10-kun oo doolar, waxay sheegeen Labada dhinac in heshiiskaan ay ku qanceen” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Nabadoon Shuuriye.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, waxaana dagaalladaasi ay sababeen dhimashada dad ku dhaw 10, inkastoo hadda dagaalladii dhacay heshiis laga gaaray.

Goobjoog News