U bood dhigaalka

Beello Ku Dagaallamay Deegaanka Golodogob Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya beello walaalo ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Goldogob ee gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii beelahan ay isku qabteen sida la sheegay dhul ku yaalla deegaankaasi.

Labo ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalladaasi ku dhinteen, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Goldogob oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in weli ay jirto xiisad dagaal, lagana cabsanayo in mar kale beelahan ay dagaallamaan.

Maamulka Puntland oo ka arrimiyo deegaankan ayaa wada dedaal lagu dhexgalayo beelahan ku dagaallamay Goldodob.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News