U bood dhigaalka

Beelo Ku Dagaallamay Degmada Cadalle Oo Lagu Heshiisiinayo Degmada Jowhar

Sheeko:Dalka

Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe waxaa laga dareemayaa qabanqaabada loogu jiro shir lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo ku dagaallamay degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo qabanqaabiyey shirkaan, waxaana uu daba socdaa shir horey uga dhacay Cadalle.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay iney ka go’an tahay nabadeynta beelahan walaalaha ah, maadaama marar badan ay ku dagaallameen dileedka degmada Cadalle.

Meyre ayaa sheegay sidoo kale in waxgaradka Labada dhinac laga doonayo in waqtigii lagu ballamay ay ku yimaadaan degmada Jowhar si ugu dambeyn loo gaaro heshiis dhaxalgal ah.

Deegaannada gobolka Shabellaha dhexe waxaa marar badan kusoo noqnoqday dagaal beeleedyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News