U bood dhigaalka

Beeraleyda Degmada Baardheere Oo Dalbaday In Laga Caawiyo Dhanka Wax Soo Saarkooda

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in laga caawiyo wax soo saarkooda, maadaama hadda ay aad ula tacaalayaan qashin badan oo beeraha ka buuxsamay, islamarkaana aanay awood badan u lahayn iney iska saaraan.

Maxamed Cabdiraxmaan Matow waa gudoomiyaha iskaashatooyinka beeraleyda degmada baardheere, waxa uu u sheegay Goobjoog News in la joogo waqtigii la dhiirogelin lahaa, dhankoodana ay diyaar u yihiin iney wax soo saaraan.

Biyo badan iyo sidoo kale qashin ayuu sheegay in beeraha ay galeen, taasina ay keentay in khasaare badan ay la kulmaan.

“Beerihii waxaa haligay biyo iyo qashin, hadda waa aaran, laakiinse wixii aan soo saareynay waxaa qabsanaya qashin oo hadane lala dagaalaa oo laga ciribtiraa oo haddii loo helayo cagaf iyo wixii lamid ah, fasalkii hore wuu khasaaray oo biyaha xareedda iyo Wabiga ayaa baabi’iyay, beeraha waa is dhexyaal wixii ka fakadayna ma badna oo intii taagga saarnaa waaye” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, Maxamed C/raxmaan ayaa ku baaqay in sidoo kale laga caawiyo dhanka abuurka iyo helista cagafyo lagula dagaallamo qashinka.

Goobjoog News