U bood dhigaalka

Beeraleyda Shabeellaha Dhexe oo Hirshabeelle Kala Hadashay Kobcinta Wax Soo Saarka

Sheeko:Dalka

Kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee caasimadda maamul Goboleedka Hirshabelle iskaashatooyinka beeraleeyda gobalka Shabeellaha dhexe iyo wasaaradda Beeraha iyo waraabka Hirshabelle, ayay uga hadleen siddii loo kor dhin-lahaa wax soo saarka beeraha, maadaama gobolku uu kamid yahay gobollada ugu wax soo saarka fiican.

Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta, iskaashatooyinka gobalka, ayaa wasaaradda, ugu baaqay in ay fuliyaa mashaariic farabadan oo uu hakad ku yimid in la dar dar geliyo madaama xilligii loo baahnaa la gaaray, si loo kordhiyo wax soo saarka kale duwan ee gobolka uu caanka ku yahay, iyadoo dhowaan lagu beeray Bariiska oo lagu guuleystay abuurkiisa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha, iyo waraabka dowlad goleedka Hirshabelle, Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre ayaa iskaashatooyinka gobalka Shabeellaha dhexe, ka raali geliyay dib u dhaca ku yimid mashaariicda wax tarka ule beeraleeyda oo ay ka mid yihiin kanaalo iyo agab loogu talagay horumarinta wax soo saarka beeraha.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay gobollada dalka ee ugu wax soo saarka badan marka laga tago Shabeellaha Hoose, Beeraleyda gobolka ayaa dhowaan tijaabiyay Bariiska, kaas oo lagu guuleystay in si wanaagsan loo soo saaro, kulanka ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan abaaro saameeyay wax soo saarka beeraha.

Goobjoog News