U bood dhigaalka

Beesha Caalamaka oo Hoos u Dhigtay Miisaaniyadii Ay Ku Bixineysay Doorashooyinka Somaliland  

Sheeko:Dalka

Go’aankii kala qaadista doorashooyinka Somaliland ayaa sababay in deeq bixiyeyaashu si aad ah hoos ugu dhigaan kharashkii doorashada madaxtooyada maamulka lagu geli lahaa.

Dalalka beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda maamulka Somaliland  ayaa go’aan ku gaaray iney bixiyaan Hal Milyan iyo Bar qura, Sagaal Milyan iyo Bar qorsheysneyd iney ku bixiyaan  doorashada isasaaran ee baarlamaanka iyo madaxtooyada maamulka.

Go’aankan ayaa jawaab u ah kii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku gaaray inuu kala qaado labada doorasho ee wakiillada iyo madaxtooyada, isagoo iska indho tiray codsigii beesha caalamka ee looga dalbaday inuu dib ula laabto go’aankaas doorashooyinka dibna loogu dhigay doorashada  golaha wakiillada maamulka.

Warkan oo uu si gaar ah u helay wargeysta geeska Afrika ee ka soo baxa maamulka Somaliland, ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen inuu yahay mid bilow u ah kalsoonidii beesha caalamka oo hoos u dhacday iyo cadaadis xoog leh oo koraya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aan la ogeyn halka laga kabayo miisaaniyadda ka maqan dhanka doorashooyinka amaba ay keeni karto in dib u dhac uu galo doorashooyinkii qorsheysnaa 28 bisha March 2017.

9 September-tii dhamaatay ayay ahayd markii madaxweyne Siilaanyo uu go’aan hal dhinac ah ku gaaray inuu kala qaado doorashooyinka, go’aankaas ayaa dhaliyay in beesha caalamku ka biyo diiddo kuna tilmaanto go’aan dimuqraadiyadda waxyeelaynaya.

Goobjoog News