Biyo Dhaamin Laga Billaabay Tuulooyin Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

Tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xilligaan waxaa ka billowday biyo dhaamin, xilli halkaasi ay dadka halis ugu jireen in biyo la’aan darteed u geeriyoodaan.

Biyo dhaamintaan waxaa iska kaashinayay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka Shabellaha dhexe kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada dadkani ay ku jiraan.

Tuulooyinka Maandheere, Baacdley iyo kuwo kale ayaa maalintii Afraad waxaa la gaarsiinayaan Booyado Biyo oo ka tagaya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaar ka mid ah shacabka helay biyahan ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay sheegeen inay kusoo beegantay xilli biyo ay aad ugu baahnaayeen.

Booyado badan oo biyo wada ayaa gaaraya deegaannadaasi, waxaana dadka la siinayaa biyo ku filan maalin walbo.

Sidoo kale Tuulooyinka biyahan la geeyay waxaa ka jira cudurka Shuban biyoodka, mana jirto xarumo caafimaad oo halkaasi ku yaalla si dadka loo daweeyo.

Wariyaheena Gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in dadka ku dhaqan Tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ay yihiin dad iminka ku sugan xaalad adag oo dhanka Nolosha ah, saameynta ugu badanna ay ka timid Wabigii Shabelle oo biyo yareeyay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW