U bood dhigaalka

Biyo Dhaamin Laga Sameeyey Deegaanno Abaar Ka Jirtay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ganacsato iyo Qurbejoog Soomaaliyeed ayaa biyo dhaamin waxay ka bilaabeen deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo saameysay abaarta ka jirta gobollada dalka.

Booyado biyo lagu qaadey ayaa loo qeybiyey qoysas badan oo ku dhaqan deegaannada kala ah Nuunkaay iyo Halgan oo hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wariyeyaasha Goobjoog News, ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo sheegaya in deegaannada biyahan laga qeybiyey ay aad ugu harraadsanaayeen dadka deggan.

Qoysaska qaar ee maanta biyaha loo qeybiyey ayaa ka mahadceliyey, waxaana ay sheegeen in xaaladooda ay halis geli lahayd haddii aan biyahan lala soo gaarin.

Waxay sheegeen qoysaskan sidoo kale in ay ka dalbanayaan maamulka Hirshabelle iyo dowladda Feeraalka Soomaaliya iney lasoo gaaraan biyo iyo raashiin.

Abaar daran ayaa ka jirta deegaanno badan oo gobollada dalka ah, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Goobjoog News