U bood dhigaalka

Biyo La’aan Soo Wajahday Dadka Iyo Duunyada, Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta degaanno ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool gobolkaasi.

Nabadoon Maxamed Mukhtaar Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka gobolka Gedo oo la hadlay Goobjoog news ayaa sheegay in abaarta gobolkaasi ka jirta ay tahay mid baaxad leh taasna ay sabab u tahay roob la’aan muddo jirtay.

Dadka ugu daran ee abaartu saameysay waa kuwa xoolo dhaqatada ah, waxaana jirin biyo iyo baad ay dadkaasi heli karaan.

Xoolaha waxay u dhammaanayaan biyo la’aaan kadib markii deegaannada Gobolka Gedo xilli roobkii la sugayey aanu di’in

Nabadoon Maxmed Mukhtaar Ismaaciil ayaa soo jeediyay in la soo gargaaro dadka dhibaateysan ee gobolka Gedo ku sugan kuwaasoo abaaro daran ay heystaan.

“Dadka iyo duunyadu ma haystaan wax ay cabaan, xoolihii harraad bay ugu dhinteen gobolka Gedo, waxaan  u baahannahay in lala soo gaaro gurmad degdeg ah, fadlan dadka biyo haloo keeo, Jubbaland iyo cid walbo oo waxtari karta yaan shacabkan la hagran”

Gobolka Gedo oo kaliya abaarta kama jirto ee sidoo kale waxay abaar baahsan ay ka jirtaa deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka.

Goobjoog News