U bood dhigaalka

Biyo Xireen lagu Yareeynayo Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Laga Hirgeliyey Beledweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga hirgeliyay biyo-xireen weyn oo la filayo inuu yareeyo fatahaadda uu webiga Shabeelle u geysto magaalada. Biyo-xireenkan la dhisay oo loogu magac-daray Kiliga Waraaboole ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Norway.

Xilligan oo roobab waaweyni ka da’een gudaha Ethiopia, ayaa dadweynuhu eegayaan, waxa uu biyo xireenkani ka taro fatahaadaha maadaama ay magaaldu xilli waliba sidaan oo kale marka la gaaro ay biyo badan ay ku fatahaan xaafadaha kale duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay qeybo ka mid ah ka fatahay, walow cabsi ah laga dareemayo magaalooyinka Balcad, Baladweyne iyo Afgooye ee Hiiraan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe uu ka geysto Fatahaado saameyn ku heesha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaas.

Wabiyada Jubba iyo Shabeele ayaa xilligaan waxaa ay bilaabeen fatahaado ay ka sameynayaan magaalooyinka qaar, iyadoo la xasuusto in dhowaan magaalada Baardheere Fatahaad ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaartay dadka iyo duunyada, iyo sidoo kale burbur hantiyadeed oo ka dhalatay.

Biyo-xireenkaan laga hirgeyay magaalada Baladweyne ayaa waxaa la filayaa inuu yareeyo xadiga biyaha Wabiga banaanka uga baxa ee uu ku fataho magaalada, waxaana uu yahay biyo xiyeen awooda inuu celiyo xadiga biyo badan sida ay sheegeen khubarada dhistay Biyo-xireenka laga hirgeliyay Baladweyne.

Goobjoog News