U bood dhigaalka

Biyo Yaraanta Wabiga Shabelle Oo Saameysay Beeraleyda Jowhar

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in saameyn badan ay ku yeelatay biyo yaraanta Wabiga Shabelle.

Mid kamid ah beeraleyda ku dhaqan degmada Jowhar oo u waramaay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda ay yaraadeen dalagii ay beeri jireen sida bariiska.

Hadda ayuu sheegay iney beertaan oo kaliya dalagyada fudud sida Yaanyada iyo qaar kale oo qudaarta ah, waxaana uu tilmaamay in ay joojiyeen gabi ahaanba tabcasha bariiska biyaha oo aaan loo heli karin awgeed.

“Bariiska beerashadeeda waan iska joojinnay biyo malahan, waxaan beerannay oo kaliya qudaarta, Wabiga biyihiisa wey sii yaraanayaan, sidoo kale biyaha waxaan ku keennaa qaab waraab ah” sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah beeraleyda Sh/dhexe.

Iyadoo dalka ay ka jirto abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa hadane waxaa biyo yareeyey Wabiga Shabelle, waxaana tani ay kasii darsiin kartaa xaaladda abaareed ee dalka.

Goobjog News