U bood dhigaalka

Booliiska Gobalka Nugaal Oo Digniin u Diray Timo Jarayaasha Ku Sugan Garoowe

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska Gobalka Nugaal ayaa digniin u diray dhammaan Tima jarayaasha ku sugan magaalada Garoowe, kadib markii ay sheegeen in dhallinyarada ay tinta ugu xiiraan (Jaraan) qaab aan habooneyn.

Taliyaha Booliiska qeybta gobalka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore digniino badan u direen Tima-jarayaashan, balse wixii maanta ka dambeeya tallaab cad laga qaadi doonoi.

“Waxaan u digeynaa Timo jarayaasha ku sugan magaalada Garoowe ee dhallinyarada sida fasahaadka ah ugu xiiraya, oo maalin walba wadada lagu arkayo dhallinyaradii oo qaab aan diinta iyo dhaqanka qabin u xiirtay, waxaan leenahay hadane ka waantooba, hadii kale sharciga ayaa la’idiin waafajin doonaa” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale digniin middaan la mid ah ayuu taliye Faarax u diray dadka muruq maalka ah ee sameeya Mindiyaha, isaga oo uga digay in caruurta u sameeyaan Mindi ama wax la mid ah.

“Dhinaca kale waxaan ka digayaa in caruurta iskuulada loo diro in loo sameeyo Mindiyo, waxaan leeyahay ka jooga dadka Mindiyaha sameeya, kama gadi kartaan caruur, kaliya ka iibiya qof mas’uul ah oo dhib ku geysaneen, dadka reer baadiyaha ah ama wax la mid ah” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha Booliiska qeybta gobalka Nugaal.

Timajarayaasha waxaa hadda soo wajahaya caqabado maamulka Puntland iyo sidoo kale dhanka dhallinyarada ah, maadaama dhallinyarada ay cadaadis ku saari doonaan in timaha sidii ay doonaan loogu jaro, halka dhanka Booliiskana ammar laga siiyay.

Goobjoog News