U bood dhigaalka

Booliiska Hiiraan Oo Baaraya Qaraxii Shalay Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska Hiiraan ayaa sheegay iney wadaa nbaaritaan ku saabsan qaraxii ismiidaaminta ahaa,  kaasi oo shalay ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta Booliiska Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in laamaha ammaanka aanay ka fariisan baaritaanka weerarkaasi iyo qaabkii uu u dhacay intaba.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in markii ay helaan warbixinno kasoo baxa baaritaankooda ay saxaafadda la wadaagi doonaan.

“Booliiska iyo guud ahaan laamaha ammaanka waxay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxii ka dhacay B/weyne, qaabkii loo soo abaabulay iyo sidoo kale sida uu u dhacay, kadib waxaan bixin doonnaa macluumaad arrintaasi ku saabsan” ayuu yiri taliyaha.

2 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo shalay lagu qaaday maqaayad ku dhow xarunta maamulka Hiiraan ee magaalada B/weyne.

Goobjoog News