U bood dhigaalka

Booliiska oo sheegay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Hotel Hayat

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiksa Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Hotel Xayaad  qaatay muddo ka badan 24-saac.

Xijaar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka intii uu socday howlgalka ay soo badbaadiyeen dad shacab ah oo ku go’doonsamey gudaha hotelka.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ka ay ciidamada ku guulaysteen in ay soo afjaraan xalay xilli dambe.

“Waxaan rabaa inaan Ummadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa la socod siiyo in howlgalkii ka socday Hoteel Xayaat la soo afjaray xalay saqdii dhexe,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay intii howlgalka lagu gudajiray ay soo badbaadiyay dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

“Muddadii uu howlgalka socday waxa ay hay’adaha amniga xoogga saareen bad-baadinta iyo bad-qabka muwaadiniinta goobta ku sugnaa waxayna ku guuleysteen bad-baadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Goobjoog News