U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Degmada: Booliska Buurhakaba Ayaa Mas’uul Ka Ah Amni Darrada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed ee gobolka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda ammaan ee degmadaasi oo maalin ka hor uu ka dhacay qarax miino.

Qaraxani oo ay ku dhinteen shan qof halka lix kalena ay ku dhaawacmeen ayaa la geliyay maqaaxi dadku ay ka shaahaan oo ku taalla Buurhakaba.

Guddoomiyaha Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed  oo maanta la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in weli ciidanku uu wado baaritaan ku aadan qaabka uu qaraxa u dhacay.

Wuxuu sheegay in ciidanka booliska ee degmada iyagu mar kasta ay sii daayaan dadka loo soo qabqabto alshabaabnimada.

“Dilalkii ka dhacay degmada sida Xoghayihii degmada, guddoomiyihii hore ee degmada waxaa ka dambeeyay booliska Buurhakaba, xataa Alshabaabkii la soo qabqabto waa ay sii deynayaan” ayuu yiri guddoomiyaha Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed.

Waxa uu sheegay in xaaladda caafimaad ay degmada ay tahay mid liidato loona baahan yahay gurmad caafimaad oo dadka degaanku ay helaan.

Falalka amni darro ee ka dhaca degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa inta badan waxaa sheegta Xarakada Alshabaab masuuliyaddooda waxaana hadlaka guddoomiyaha uu abuuri karaa shaki ah inay jirto wada shaqeyn dhexmarta booliska la eedeeyay iyo Alshabaab.

Ugu dambeyn, illaa haatan eedeynta loo jeediyay booliska degmada Buurhakaba kama aynaan jawaabin jiritaankeeda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada