U bood dhigaalka

Booliska Jowhar Oo Adkeynaya Ammaanka

Sheeko:Dalka

Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Cabdullaahi Siyaad(Canjeex) ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar oo hadda xarun u ah maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in ammaankeedu uu aad u wacan yahay, islamarkaana ciidamada boolisku ay had iyo jeer wadaan howlgallo lagu sugayo amniga.

Wuxuu sheegay taliyaha saldhigga booliska Jowhar in dadka shacabka ah ay kala shaqeeyaan nabadgalyada magaaladaasi oo dhowaan lagu soo doortay labada aqal ee baarlamaanka federaalka oo ka imaanayay degaannada Hirshabeelle.

Taliyaha saldhigga Jowhar Maxamed Canjeex ayaa sheegay in dhowaan qorshaha uu yahay in illaa kun askari oo boolis ah loo tababaro maamulka Hirshabeelle, kuwaasoo qeyb ka noqonaya ilaalinta nabadda.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in adeegga booliska ay gaarsiiyeen degaannada hoostaga magaalada Jowhar si looga feejignaado wax kasta oo amniga magaalada ka dhan ah.

Dhanka kale, Taliyaha saldhigga booliska magaalada Jowhar Maxamed Cabdullaahi Siyaad ayaa soo hadal qaaday xabsiga dhexe ee magaaladaasi oo gebi ahaanba burbursan.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu ugu inay gacan ka geystay dib u dhis iyo dib u dayactir uu helo xabsiga oo uu sheegay in boolisku howshiisa uu u qabo baahi weyn.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada