U bood dhigaalka

Boosaaso: Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Gadooday

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa gadood ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, ka dib markii ay saluugeen lacag mushaar ahaan loo siiyay.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayeen 200 oo askari, waxaana ay ka tirsan yihiin kuwa loo yaqaano Birmadka ee Booliiska Puntland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ay muddo saacado ah xanibeen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Boosaaso, iyaga oo isku uruursaday markii hore kontaroolkii hore ee magaaladaasi.

Gudoomiyaha KMG ee magaalada Boosaaso Maxamed Saciid ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamadaan ay saluugeen Mushaar Bil ah oo loo keenay, ayna doonayeen in Bil kale loogu daro.

Waxa uu tilmaamay in ugu dambeyn ay ciidanka arrintiisa xalliyeen, islamarkaana dib loo furay wadooyinkii ay xirteen.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa muddo aad u badan helin mushaar, hase ahaatee maalmo kahor ayaa maamulkaasi waxa uu shaaciyay in la billaabay bixinta mushaaraadka ciidamada.

Goobjoog News