Boqor Buur Madow Oo Lagu Xukumay 5 Sano Oo Xabsi

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa waxay Shan sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Boqorka ayaa dib isla maantaba loogu celiyay xabsiga kaddib markii dhawaan dammaanad lagu soo daayay.

Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan xarunta xuquuqul insaanka Somaliland islamarkaana maxkamadda ku sugnaa markii xukunka boqorku uu dhacayay ayaa waxa uu Goobjoog u sheegay in boqorku codsaday inuu qareenno codsado hase ahaatee ay ka diidday maxkamaddu sidaasna lagu xukumay.

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan kaga qayb-galay deegaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW