U bood dhigaalka

Boris Johnson oo Ballan Qaad u Sameeyey Ganacsatadii Hantida Ku Waysay Suuqa Hargaysa

Sheeko:Dalka
Ra’iisal Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson oo ka hadlayey dabkii habeenimadii xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ee Waaheen ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay, kasoo gaystay khasaare hantiyadeed oo aad u baahsan oo soo gaartay ganacsatadii meheradaha ku lahaa suuqa.
“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka kacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Ra’iisulwasaaraha Ingriiska Boris Johnson.
Waxaa sidoo kale uu qoraalkiisa ku sheegay in markale la gaari doono in dib loo dhiso suuqa Waaheen, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in UK ay dadaal dib u dhis iyo taadeero ay siin doonto ”Magaaladiinu mar kale ayey dib u dhismi doontaa, UK-na waxay ku dadaali doontaa in aan taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland”.
Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya qoraalkaa Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhankiisa aad uga mahadcelinayo taageerda iyo yabooha UK” Waxa aan kaaga mahadcelinayaa taageerada Wakhtigan adag aad noo muujisay. Dabka ka kacay Suuqa Hargeysa, waxa uu saameeyey boqolaal ganacsi, waxaana socda qiimaynta lagu samaynayo Masiibadaa, waxa aanu idinla wadaagi doonaa qorshaha dib u dhiska iyo soo kabashada suuqan”.
Goobjoog News