U bood dhigaalka

Bu’aale: Wabiga Jubba Oo Fatahay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Jubba, ka dib Roobab ku da’ay.

Sida ay xaqiijiyeen dadka Deegaanka Wabiga Jubba ayaa Fatahaad khasaare dhalisay ka geystay deegaanno Degmada Bu’aale iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadaasi.

Fatahaada uu sameeyay wabiga ayaa burburisay dalagyo dhul beereed kala duwan, iyadoo sidoo kale ay biyaha qaadeen Matooradii waraabka biyaha ee Beeraleyda nawaaxiga Bu’aale.

Qoysas badan ayaa ka barakacay halka fatahaadda uu ka sameeyay Wabiga, waxaana fatahaadda ay timaadda kadib roobab xoog leh oo ka da’ay degmada Bu’aale ee gobalka Jubbada Dhexe.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Fatahaada wabiga Jubba uu sameeyay ay ku dhinteen Afar carruur ah oo ku sugnaa deegaanka Jiwaarey oo ku dhaw degmada Saakow ee Jubada Dhexe.

Goobjoog News