U bood dhigaalka

Burundi Oo Diiday Inay Ciidamada kala Baxdo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Burundi ayaa iska diiday dalab uga yimid midowga Afrika oo ahaa inay 1,000 askari oo ciidamadooda ka tirsan ay ka saaraan Soomaaliya February 28 ee sanadka soo socda.

Afhayeen u hadlay Burundi Colonel Floribert Biyereke ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay xukuumadooda ka dalban-doonaan inay dood ka keento in ciidamada baxaya ay noqdaan dhammaan dalalka AMISOM oo aan lagu koobin uun dalka Burundi.

Burundi waa dalka 2aad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, AMISOM guud ahaan waa 21,500, tiro 5,400 oo ka mid ah waa Burundi halka 6,200 ay ka yimaadeen Uganda, waxaa kale oo ciidamo ka joogaan  Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

AMISOM ayaa waddo qorshe ay ku dhimeyso ciidamdeeda ka jooga Soomaaliya, si ay booskooda u galaan ciidamada xoogga dalka. AMISOM waxaa ay Soomaaliya timid 2007-dii.

Goobjoog News