U bood dhigaalka

Buubaa “Danta Soomaaliya Iyo Tan Somaliland Waa In La Wadahadlaa”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo mar soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan Hargeysa wuxuu wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dan weyn ay ugu jirto dowladda federaalka iyo Somaliland in ay wadahadlaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan cabasho badan oo Somaliland ay qabto, wax walbana lagu dhammeyn karo wadahadal deganaansho ay ku jirto.

“Waxay ila tahay danta Somaaliya iyo tan Somaliland ay ku jirto in si deggan oo xaqiiqada ku jirto loo wadahadlo….khilaafyada jira waa in miiska wadahadalka lagu dhammeeyo, waxayna taasi ila tahay muhiimad aad u weyn, hadalkaasi wuxuu ku saleysanyahay wax ay Soomaaliland ka tirsaneyso Soomaaliya” ayuu yiri Buubaa.

Sidoo kale, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa dowladda federaalka iyo Somaliland ugu baaqay iney eegaan danta shacabka Labada dhinac, islamarkaana ay sameeyaan wax walbo oo nabad ku jirto.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay Todobaadkii tagey  ayaa sheegay in ay joojiyeen wadahadlkii ay kula jireen dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News