U bood dhigaalka

Buuloburde: Raashiin Loo Qeybiyay Qoysas Dan Yar Ah

Sheeko:Dalka

Qoysas ku nool degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa loo qeybiyay raashiin ka kooban Galley, Saliid, Boorash iyo Saliid, waxaana loo qeybiyay illaa iyo 800 oo ruux.

Raashiinkaan waxaa degmadaasi geysay hay’adda cuntada aduunka WFP oo maalmihii dambe halkaasi ku daabuleysay, waxaana ka faa’ideystay shacab aad u badan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Buuloburde Liibaan Cabdi Burusow ayaa u sheegay Goobjoog News in raashiinkaan uu ka badan yahay 60 tan, islamarkaana illaa iyo haatan ay wadaan qeybinta.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in xilligaan aad loogu baahnaa raashiinkaasi, hase ahaatee ay jiraan dad kaalmadaasi ka qaday, maadaama dadka ay yihiin kuwo aad u badan.

Burusoow ayaa tilmaamay in raashiinkaan loogu talagalay 4-kun oo qof, oo 2-kun ka mid ah ay yihiin caruur.

Wadooyinka gala degmada Buuloburde waxaa go’doomiyay Al-shabaab, iyadoo degmadaasi ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ka jirtay.

Goobjoog News