U bood dhigaalka

Buundada Yar Ee Degmada Afgooye Oo La Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dhawaan ay billaabi doonaan dayactir ay ku sameynayaan buundada yar ee dulmarta wabiga Shabelle ee degmadaasi mara.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in buundadaan oo Labadii Bil ugu dambeysay ay soo wajahay burbur ayna u diyaar garoobeen ka maamul ahaan sidii wax looga qaban lahaa.

Waxa uu tilmaamay in gabi ahaanba xilligaan aanay Buundada yar isticmaali karin gaadiidka yar yar iyo sidoo kale gaari dameerrada, sidaa darteed ay doonayaan in maamulkooda ay aad u habeeyaan buundadaasi.

“Buundada wey sameysan tahay waxay u baahan tahay oo kaliya dayactir, hadda gaadiidka waxay maraan Buundada weyn, Buundadaan yar dad badan ayeey waxyeello u geysatay sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa lagu dayactirayaa” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay in dayactirka Buundada yar ee degmada Afgooye ay ku baxayso lacag dhan 20 kun oo doolar, islamarkaana ay u diyaar yihiin ka maamul ahaan in qarashkaasi ay bixiyaan.

Goobjoog News