U bood dhigaalka

Buuq Hareeyay Kulan Ay Lahaayeen Xildhibaannada Somaliland

Sheeko:Dalka

Kulan maanta oo Talaado ah ay magaalada Hargeysa ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa hareeyay buuq, iyadoo xildhibaannada qaar ay gacanta iskula tageen.

Xildhibaannadan buuqooda ayaa salka ku haya khilaaf ku aadan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Buuqa markii uu batay, sidoo kalena xildhibaannada ay gacanta iskula tageen waxaa goobta la wareegay ciidamada ammaanka Somaliland.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rasaas laga dhex maqlay xarunta ay xilidhibaannada ku shirsanaayeen, iyadoo weli warar rasmi ah aan laga helin rasaastaasi dhacday iyo waxay ahayd.

Guddoomiyahii hore ee baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa markii uu iska casilay xilkaan waxaa loo doortay guddoomiye cusub, balse arrintaasi dood badan bay dhalisay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News