U bood dhigaalka

Cabasho Laga Muujiyay Isbaarooyinka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Guddiga Gaadiidleyda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay isbaarooyin ku soo kordhay deegaanno kamid ah gobalkaasi, kuwaasi oo gaadiidka lacag looga qaado.

Mid kamid ah guddigaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in ay kulan ka yeesheen dhibaatooyinkan ka jira wadada xiriirisa Muqdisho, Afgooye illaa gobalka Bay.

Waxa uu sheegay in isbaarooyinkii ay kordheen taasna ay ka dhigan tahay in la kordhiyo lacagta oo dhibaato ku yeelatay, safaradii ay ku mari jireen gobalka Shabellaha Hoose.

Isbaarooyinka qaar ayuu sheegay in ay u yaallaan rag maamulo sheeganaya oo lacag badan qaata, taasina ay usoo dheer tahay Isbaarooyin kale oo shaqsiyaad u yaalla, walibana lacagta inta ay doonaan sheegta.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in arrintaan ay dhibaato ku qabaan isla markaana ay doonayaan in ay shaqo joojin sameeyaan haddii xaalku uu sidan ku sii socdo dowladduna aysan waxba ka qaban.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Isbaarooyinka Shabellaha Hoose, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin in shacabka la dhibo.

Goobjoog News