U bood dhigaalka

Cabdi Qeybdiid “Xilka Ayaan Ku Wareejinayaa Madaxweynaha Cusub”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulkii la oran jirey Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in uu xilka ku wareejiyo madaxweynaha cusub ee loo doortey maamulka rasmiga ah ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegey in madaxda cusub uu ku wareejinayo xarumihii maamulkiisa uu ka dhisey meelo badan oo ka mid ah gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, halkaasi oo uu maamulka ku shaqeynayay.

Cabdi Qeybdiid oo si wanaagsan u ogolaaday in doorashadii Cadaado ka dhacday 4-tii bishan lagaga guuleystey ayaa sidoo kale sheegey in uu kusii jiri doono siyaasadda dalka, islamarkaasina ka shaqeyn doono danaha ummadda gobolada uu kasoo jeedo.

Madaxweynaha dhawaan la doortey Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isna hadlay ayaa sheegey in musharixiintii uu doorashada kaga guuleystey uu kusoo dari doono golahiisa wasiiradda, balse ma uusan sheegin kuwa ay yihiin.

Horey tan oo kale waxa ay oga dhacday Puntland halkaasi oo madaxweynihii la doortey in uu golihiisa wasiirada kusoo daray musharixiintii uu codbixinta kaga guuleystey.

Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa madaxweynaha Galmudug noqdey 1-dii bishii Agoost sanadkii 2012-kii , wuxuuna xilkani hayay muddo 3 sano ah, isaga oo ku guuleystey in gobolada dhexe uu u matalo shirar badan oo looga tashanayay aayaha Soomaaliya iyo kuwa caalami ah oo lacago loogu yaboohayay.

Sanadkii lasoo dhaafay bishii Luuliyo waxa uu ka mid noqdey saxiixayaasha maamulka rasmiga ah ee loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud, isaga oo ka tanaasuley maamulkiisa iyo xilkiisii madaxweynenimo, ogolaadayna in bulshada goboladaasi ku dhaqan ay dhistaan wax ay raali ka wada yihiin.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada