U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Ciro” Xisbiga WADANI aqbali maayo mudo kordhinta xaaranta ah ee loo sameeyey Biixi”

Sheeko:Dalka

Musharax madaxweynaha  xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ee Soomaaliland Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdillahi Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Harheysa ayaa waxaa uu ka hadlay mowqifkooda ku aadan muddo kordhintii ay golaha Guurtida ay u sameeyeen Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa, oo goluhu muddo xileedkooda ku daray  laba sao.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxaa uu xusay in muddo xileedka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ku egtahay 13-ka bisha soo aadan ee November, waxaana uu intaas ku daray in Muuse Biixi uu jabiyay Dastuurka u yaalay Somaliland, iyagu aqbalayn muddo kordhinta golaha ay usameeyeen xukuumadda, waxaana uu eedeyn usoo jeediyay golaha Guurtida Somaliland.

“Go’aanka golaha Guurtida halkii uu xaaladda dalka ka dejin lahaa, waxaa uu noqday mid uga sii dara,oo Batrool ku shubay Kabriidna ku qabtay xaaladda cakirneyd ee ka jirtay Somaliland. Nasiib darro dalka Jamhuuriyadda Somaliland, maanta waxaa uu gashy marxalad mugdi iyo hubti la’aan siyaasadeed ah, waxaa galilay madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayuu yiri” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wato waxaa uu eedeyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay inuu ku guul dareystay inuu doorashada madaxweynaha ku qabto xilligii loogu talo galay, waxaana hadalkiisa uu raaciyay in lumiyay kalsoonida shacabka  ay ku qabeen doorashada iyo Dimuquraadiyadda Somaliland, isagoo ka hadlay xaaladda Icriraafka.

“Shalay waxaa god madow lagu hubsaday, oo Gabal baas u dhacay, nidaamkii Dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, waxaa la xabaalay kalsoonidii shacabka iyo doonistii dadweynaha,waxaa cirka lagu laalay rajadii ictiraafka Somaliland, waxaa jar iyo meel daran laga tuuray nidaamkii wadatashiga iyo wada ogolka ku dhisnaa, waxaa madaxweynu u bareeray sharci darro, dastuur jabin iyo jar iska xoornimo” ayuu sidoo kale ku yiri hadalkiisa guddoomiye Cirro.

Dhankale Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in aysan jirin duruufo ku qasbay golaha Guurtida in ay muddo kordhin siiyaan madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa, waxaana uu ku goodiyay in 13-ka kadib ay qaadi doonaan tallaab, haddii goluhu uu ku adkeysto go’aankiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay inaan lagala tashan muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda.

“Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xiriira nabadgalyada darteed in la qaban waayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, waxaa golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddo xileedka u dhordhiyaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, iyaga oo tixgelinaya mudda dhibaata lagaga gudbi karo doorasahaduna ku qabsoomi karto, maanta umadda Somaliland ayaan waydiinayaa miyey jirtaa dhibaato amni” ayuu yiri xilli uu hadlayay musharraxa.

Ugu dambeyn musharrax madaxweynaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro ayaa ku dhawaaqay mowqifka xisbiga ee muddo kordhinta golaha uu siiyay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddisa, waxaana uu ku timaamay mid aan  xalaal aheyn heshiisna aysan dhinacyadu ka gaarin sameynta muddo kordhinta xukuumadda hadda jirta sida uu yiri.

” Xisbiga Wadani go’aankaas waxaa uu u arkaa mid Xaaraan ah oo aanu aqbalayn, haddii uu Muuse Biixi doorashadii uu qaban waayay, haddii uu diiday Ergooyinkii kale duwanaa ee Shiikh iyo Shariifba lahaa, xisbiga Wadani waxaa uu cadeynayaa wax kasta oo ka dhasha go’aanka golaha Guurtida ee aan sharciyadda dastuurka iyo  wadatashiga aan ku saleysneyn, waxaa mas’uuliyeeda qaadi doona madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday” ayuu yiri gabgabadii.

Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli golaha Guurtida Somaliland ay muddo kordhin laba sano ah u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa, waxaana sidoo kale lagu wadaa inuu hadlo Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID, lama oga halka ay ku dambaynayso khilaafka doorashada ee taagan xilligaan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada