U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Tanaasulay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Dalka

Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani  oo ku  beegnaa 10-ka bishan October ayaa  muddo sagaal maalmood ah dib loo dhigay si xisbigu soo dhaweyn ugu sameeyo Laba garab oo ka mid ahaa siyaasiyiin miisaan ku leh Somaliland oo ku soo biiraya xisbiga.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa sheegaya in  xisbigu soo dhaweyn ballaaran u samayn doono  masuuliyiinta ka kala tirsan  garabkii hore uga soo go’ay  xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee uu hogaaminayo wasiirkii hore ee madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo isaga hadda loo magacaabayo sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Waddani  iyo xubnow kale oo ka kooban toban kuwaasi oo uu hogaaminayo  Pro  Ismaaciil Hurre Buubaa  oo isagu  hore xilka wasiirka arrimaha dibadda uga soo qabtay  Soomaaliya  asaaskii Somaliland ka soo noqday  wasiirka maaliyadda.

Sidoo kale xisbigu waxa uu sheegayaa in  dad kala duwan oo labadan garab taageerayaasha u ah oo ka kala imanaya gobollada Somaliland  ay  kala soo qaybgeli doonana xafladda soo dhaweyanta ah .

Ka dib markii la shaaciyey heshiiska ay xisbiga Waddani ay labadna kooxood la kala galeen dadka siyaasadda fallanqeeyaa waxay sheegayaan iney  guul siyaasadeed u tahay xisbiga Waddani madaama ay ku soo biireen xubno Somaliland iyo beelahoodaba saamayn ku leh sidoo kale waxay dadka qaar tallaabo wanaagsan ku tilmaameen in  Cabdiraxmaan  Cirro oo isku hayey labada xil guddoomiye ee xisbiga iyo baarlamaanka uu hadda ka tanaasulay xilkii guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu hada yahay  musharaxa xisbiga Waddani oo kaliya, iyadoo tanaasulkan uu ka mid ahaa heshiiskii xisbiga uu la galay dhinacyada cusub ee ku soo biiray.

Goobjoog News