Cabdiwali Gaas “Jeneraalka Muxyadiin Waa In uu Isa Soo Dhiibaa, Hubkana Dhigaa”

Wadahadalo waanwaan ah oo odayaal ay ka dhax wadeen maamulka Puntland iyo jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse oo gadoodey, ciidamadana la goostey ayaa lagu soo waramayaa in ay miro dhali waayeen.

Koox odayaal ah oo lasoo kulmey jeneraalka oo ku sugan deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ayaa sidoo kale la kulmey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna madaxweynaha u sheegey in uusan wax wada xaajood ah la galeynin jeneraalka, habka kaliya ee lagu dhameyn kara arrintana ay tahay in Jeneraalka uu dowladda isu soo dhiibo, hubkana dhigo.

Jeneraal Muxyadiin oo dhankiisa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegey in dhankiisa uu ogolyahay wadahadalka, balse waxa uu madaxweyne Gaas ku eedeeyey in uu yahay kan diidan wadahadalka, caqabadna ku yahay in xal la gaaro.

Wadahadalka oo socdey muddo todobaadyo ah ayaanan wax natiijo ah laga gaarin, balse odayaasha waxa ay sheegayaan in aysan wali ka quusanin in si xal ah wax lagu dhameeyo.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. The final scoreline suggested otherwise. Yet for Gordon Strachan there were spells of Scotland’s 6-1 thrashing of Gibraltar at Hampden Park which felt like a form of misery. Scotland manager Gordon Strachan bemoans his side’s performance against Gibraltar – despite winning the game 6-1! 

  2. Sir Alex Ferguson has said he chose not to try and sign David Silva as he didn’t think he would fit in with Manchester United’s style of play. The Spaniard has helped Manchester City win two Premier League titles. Sir Alex Ferguson thought about bringing David Silva to Manchester United but says Manchester City star wouldn’t have fit in

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW