U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Puntland Xuduudaheeda Waa Muqaddas”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo meel fagaare ah kala hadlay shacab badan ayaa sheegay in marnaba aanay gor gortan ka geli doonin xuduudda maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in shacabka Puntland uu u sheegayo in ay niyadda dejiyaan, islamarkaana gobal iyo Bar oo uu kala jeeday Galmudug aanay wax carqalad ah u keeni doonin jiritaankooda.

“Puntland Xuduudaheeda waa Muqaddas, waxaan leeyahay shacabka Puntland ku kalsoonaada dowladiina, gobal iyo Bar lasoo dhoob dhoobay waxba yaanu qalqal idinku beerin” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka go’an tahay Soomaalinimo, sidoo kalena marnaba aysan aqbali doonin in sidii doono laga yeesho Dastuurka KMG ee dalka u yaalla, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa aad uga soo horjeeda maamulka Galmudug, waxaana arrinta ugu weyn ee ay diidan yihiin ay tahay Dastuurka maamulkaasi oo dhigaya in xuduuda ay tahay gobalka Nugaal.

Goobjoog News