U bood dhigaalka

Cadaado: 8,000 Qoys Oo Biya La’aan Soo Wajahday

Sheeko:Dalka

Biyo la,aan xoogan ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Dibira oo 30 km u jira magalaada Cadado ee gobolka Galgaduud, kadib markii ceel biyoodkii dadka ay biyaha ka cabayeen ay cilad ku timid, muddo 7 maalin ah aan biyo laga helin.

Biyo la,aanta deegaanka soo wajahday ayaa waxaa ay saamaysay ku dhowaad 8000 qoys, kuwaas oo degan deegaanka iyo agagaarihiisa oo ceelka kaliya biyaha ay ka cabijireen dadka iyo duunyada ay dhaqdaan dadka ku nool deegaanka Dibira.

Sareedi Cali Geedi waa hooyo kamid ah dadka biyaha u soo doonta ceelka, waxaana iyada oo tiro ari ku celinaysa ceelka ay la hadashay Goobjoog News waxaana ay ka warbixisay dhibaatada ay sababtay biyo la,aanta deegaanka.

“Ari xeyn ah ayaan wadaa ilaa 6:00 saac ayaan soo waday haddana xiliga ay marayso waad tilmaami kartaa, waxaana maamulka Cadaado ka codsanaynaa in ceelka biyo la,aan ay ka jirto ay noo sameeyaan, waxaana xoolaha aan kazoo waday meel deegaanka u jirta 3km” ayey sheegtay Hooyo Sareedo.

Ceelka deegaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay cilad dhanka Matoorka ah iyo Soolarka, kuwaas oo dadku ay iscilmaalayeen sedexii sano ee lasoo dhaafay iyo Haanta biyaha oo aad u yar kuna filneyn keydinta biyo badan.

Cali Cilmi Karar iyo Axmed Maxamuud oo kamid ah doqowda deegaanka ayaa dhankooda Goobjoog News la hadlay iyaga oo ka warbixiyey biyo yarida ka jirta deegaanka iyo sida ay dadka iyo duunyada deegaanka ay u saamaysay.

“Matoorka waa lagu biyo la,yahay abaaro baahsanna waa ay jiraan matoorkale dadku maaleh, 30km ayaa biyo ugu sokayso Cadaado, Xinjilab ama xinjo barde, mid waliba waxaa ay u jitaa deegaanka 30km, dhinaca qoraxsina dadku ma aadi karaan oo dadka colaado ayaa ka dhex jira dadka shacabka  abaar iyo biyo la,aan ayaa nahaysata” ayuu yiri Cali Cilmi Karaar oo kamid ah doqowda dhaqanka.

“Waxaan joognaa deegaanka Dibira waxaa nagu haysata dhibaato badan Matoor ayaan cabi jirnay Matoorkii waa uu naga halaabay sedex sano oo Matoorku uu qodnaa wax dayactir ah ma helin 6000 oo qoys ayaa kusoo qaxday oo colaad iyo abaaro kasoo barakacay, hey’adaha samafalka maamulka Galmudug iyo federalka waxaan ka codsanaynaa in si deg deg ah ay wax uga qabtaan dhibaatada haysata dadka deegaanka dibira” ayuu yiri  Axmed Maxamuud oo kamid ah dhaqanka.

Goobjoog News