U bood dhigaalka

Cadaado: Dab Kaalin Shidaal Ka Bilowday Oo Khasaare Geystay Iyo Magaalada Oo Dab-damis La’aan Ah

Sheeko:Dalka

Dabka ayaa maanta ka kacay goob ganacsi oo kutaalay bartamaha magaalada Cadaado, kaas oo  sameyn xoogan ku yeeshay meesha uu  ka bilowday  iyo goobo kale oo ku dhawaa.

Dabkan waxaa uu ka bilowday goob shidaal aheyd iyo maqaayad laga cunteeyo, waxaa uu sidoo kale ku sii  fiday goobo kale ee ganacsi. Daminnta laguma guuleysan illaa hadda sababta waa magaalada Cadaado oo aan laheyn wax dab damis ah.

Booyado biyo ah iyo cagafyo ayaa noqday waxa ugu haboon oo lagula tacaali karo daminta dabka Cadaado ka kacay inkastoo aysan noqon kuwo wax badan ka badalay dabka oo qasaaro badan dhaliyay. Shidaal badan ayaa la sheegay in uu ku jiray goobta uu dabku ka kacay oo taas oo xoojisay saameyntiisa.

Arintaan waxaa ay fariin u tahay maamulka Degmada Cadaado iyo ganacsatada Magaalada oo aan horay uga fikirin in la helo dab damis lagu tacaalo dhacdooyinkaan oo kale.

Goobjoog News

Sawirro:

IMG_9092 warya IMG_9074 IMG_9087 IMG_9144 IMG_9074

Mawduucyada:Gobollada