U bood dhigaalka

Cali Gacal “Shirka Kismaayo Waxa Kasoo Baxay Waa Aragti Daciif Ah”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo yihiin kuwo aanay shaqo ku lahayn shacabka ku dhaqan deegaannada ay maamulaan madaxdii go’aanka soo saartay.

Waxa uu sheegay in ay arrintan ay u arkaan iney tahay mid lagu doonayo in dalka lagu hagardaamiyo, islamarkaana dano kale laga leeyahay.

Guddoomiye Casir ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn Khilaaf loona baahan yahay midnimo.

“Madaxda Soomaaliyeed ee qaranka waxaan u cadeneynaa go’aamada shirkii Kismaayo aanay matali karin mabaadii’da iyo masiirka shacabka Soomaaliyeed, waxa kasoo baxay shirkaasi waa aragti daciif ah” ayuu yiri guddoomiye Casir.

Waxaa soo ifbaxay khilaaf u muuqda inuu ka dhashay go’aankii ay madaxda dowlad goboleedyada ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Goobjoog News