Cali Seeko: Galmudug Yaan Loo Horseedin Qalqal Siyaasadeed (Dhageyso)

Siyaasi Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo Galmudug ay ka horreyso arrimo siyaasadeed oo Galmudug ka dhex jira.

Wuxuu sheegay in is qabqabsiga ka dhex aloolsan madaxda u sarreysa Galmudug uu yahay mid culeys siyaasadeed ku noqon kara degaanka.

Waxa uu sheegay iney muuqato is diidmo ku aadan dadkii wax wada dhistay ee Galmudug, wuxuuna ka digeyn in qalqal siyaasadeed loo horseedo Galmudug.

Wuxuu sheegay in kahor khilaafka dowladda loo baahan yahay in la helo reer Galmudug oo hagaagsan,  mid ah, kana madaxbanaan wax walbo oo hadda jira.

Siyaasiyiinta Galmudug ayuu dhankooda ugu baaqay iney la shaqeeyaan hoggaanka Galmudug si meesha looga saaro madmadowga hadda jira.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW