U bood dhigaalka

Abaar Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Mid Ah Somaliland

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka mid ah Somaliland ayaa laga soo sheegayaa in xilligaan ay ka jirto abaar baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deeganada Galbeed ee Somaliland ayaa abaarta ugu daran haatan ay ka taagan tahay, waxaana la sheegayaa in dadka aysan haysan biyo ay cabaan iyo raashin ay cunaan.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Somaliland Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddi loo xilsaaray in ay soo kormeeraan abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi ka taliyo ayaa sheegay in xaaladda ay taagan tahay meel halis ah.

Waxa uu sheegay in uu dhicisoobay gugii sanadkaan 2015, taas oo keentay Biyo iyo Baad la’aan soo wajahday dadka iyo duunyada.

Wasiirka ayaa baaq u diray beesha caalamka, dadka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku sugan in ay kaalin ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dadka hadda abaarta ay hayso.

Deegaanada dhanka miyiga ah dadkii deganaa waxa ay haatan bilaabeen in ay aadaan meelaha ay ku tuhmaan inay ka helayaan Biyo iyo Raashiin.

Goobjoog News