U bood dhigaalka

Shaqo Abuur Loo Sameynayo Dhallinyarada Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay ururada dhallinyarada iyo Haweenka ee gobolkaasi ayaa sheegay in shaqo abuur loo sameyn doono dhallinyarada waxbaratay ee Hiiraan.

Dhallinyarada ayaa ugu horreyn sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan helista shaqooyinka, islamarkaana shaqooyinka qaar lagu xiro qabiil ama wax lamid ah.

Waxay sheegeen dhallinyaradan iney u baahan yihiin in madaxweynaha Hirshabelle uu la yimaado qorshe shaqo abuur loogu sameynayo dhallinyaradan.

Madaxweyne Cosoble oo isna hadlay ayaa sheegay iney ka war hayaan shaqo la’aanta dhallinyaradan Hiiraan, balse maamulkiisa diyaar u yahay inuu shaqo abuur ka madax bannaan isku xulis qabiil loo sameyn doono.

“Dalka waxaa leh dhallinyarada, kuwa la rabo iney ku noolaadaan, ku kifaaxaan, ilmo ku dhalaan, difaacaan dhammaan waa idinka, shaqo abuur waa loo sameynayaa dhallinyarada, idinkana noqda maskaxdii iyo xooggii shaqeyn lahaa ee isbedalka keeni lahaa” ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Marar badan madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble waxa uu sheegay in shaqo abuur loo sameyn doono dhallinyarada ku dhaqan deegaannada maamulkiisa, balse weli lama hayo cid shaqo loo abuuray.

Goobjoog News