U bood dhigaalka

Ciidamada Ahlu-sunna Oo Gacanta Ku Dhigey Nin Lagu Eedeeyey Inuu Dilay Qof Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Howlgal ay ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud waxay kusoo qabteen nin la sheegay in 18-kii bishan uu deegaan ku dhow degmada Burtinle ku diley nin shacab ah.

Eedeysanahan oo lagu magacaabo Xuseen Ibraahim Yuusuf, ayaa isaga oo gacmaha ka xiran waxaa soo gaarsiiyey degmada Dhuusamareeb ciidamada Ahlu-sunna, waxaana la dhigay xabsiga nabad sugidda ee degmadaasi.

Cabdinuur oo ah afhayeenka maamulka gobollada dhexe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninkan ay soo qabteen ay marin doonaan cadaaladda.

“Ninkaan 18-kii bishan wuxuu nin la yiraahdo C/risaaq C/laahi ku diley deegaan ka tirsan gobolka Nugaal, kuna dhow degmada Burtinle, ciidamada maamulka gobollada dhexe ayaa howlgal ay sameeyeen kadib soo qabtay ninkaasi” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa marar badan howlgallo sidan oo kale ah ay sameeyeen waxay kusoo qabteen dad la sheegay inay dad kale dileen.

Goobjoog News