U bood dhigaalka

Ciidamada ammaanka oo soo qabtay kooxo burcad ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhac ka gaysanayay qaar kamid ah xaafada degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir kadib hawlgal ay ciidamada sameeyeen.

Kooxdaan oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo dhac u gaysanayay dadka shacabka ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, ciidamada ayaana sheegay in ay ka soo qabteen xaafadda Kooka-koola ee degmada Yaaqshid.

Burcadda la soo qabtay ayaa dadka ku dhacay hubka fudud iyo moota Bajaaj, taas oo ay gaadiid ahaan u isticmaalayeen kooxda.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay garsoorka dalka horgeynayaan burcaddan la soo qabtay, sidoo kalena hawlgallada ay sii socon doonaan.

Kooxa burcad ah ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayay xaafadaha gobalka Banaadir, waxaana ay dhac u gaysanayeen dadka shacabka.

Goobjoog News