U bood dhigaalka

Ciidamada Booliska Qardho Oo Soo Qabtay Waxyaabaha maanka Dooriya Iyo Dadkii Ka Ganacsanayey

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliska Magaalada Qardho ayaa hawlgallo ay sameeyeen waxaa ay ku soo qab qabteen waxyaabaha Maanka dooriya , Ciidanka ayaa baaritaannada waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha.

Taliyaha Saldhiga Degmada Qardho-Abshir Maxamed Cabaas ayaa sheegay in Ciidamada ay xog ka heleen in qaar ka mid ah Xaafadaha Qardho lagu iibiyo Xashiishka islamarkaasna ay sameeyeen baarritaanndo.

Waxaa uu tilmaamay Taliyaha in ay soo qabteen shan qof oo gadayay Xashiishta waxaa uuna yiri.

“ Ciidamada waxaa ay sameeyeen howlgallo ka dib markii ay ka war heleen in waxyaabaha Maanka dooriya lagu iibiyo xaafado ka tirsan Magaalada Qardho, ciidamada howlgalka waxaa ay ku soo qabteen shan qof oo iibinayay Xashiish”.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo dadka ka ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada