U bood dhigaalka

Ciidamada dowaldda oo hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka ah ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Deegaanka Dhuursheen Shabeelle oo 35 km, u jira degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa waa berigii hore ee saaka waxa ay ciidamada ka sameeyeen hawlgallo qorsheysan.

Ciidamada ayaa sheegay in laba xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab lagu dilay hawlgalka saaka inta ay ku gudajireen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka.

Cumar Cabdiraxmaan Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde,  ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawishta Koofur Galbeed.

Goobjoog News