U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Jubbaland Oo Isku Diyaarinaya Dagaallo Ka Dhan Ah Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbland ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana haatan ciidanka la diyaarinayo.

Ciidamada isku dhafka ah ee dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa loo qeybinayaa saanad Milatari, kuwaasi oo la sheegay in ay dhawaan u dhaqaaqi doonaan deegaanada gobalada Jubooyinka ay ka maamulaan Al-shabaab.

Saraakiishan ayaa sheegay in ciidamada Isku dhafka ah ay raacayaan ciidanka Itoobiya oo howlgalka isku wehlin doonaan.

Waxaa la siiyay ciidankaan qalabkii ay ku howlgali lahaayeen, waxaa lagu wareejiyay gaadiidkii Milatari ee dowladda Federaalka dhawaan halkaasi geysay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in bishan January, 2016 guud ahaan Al-shabaab laga saari doono deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada