U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.

Dagaalka oo  ka bilowday bartamaha Xaawo Cabdi ayaa hadda lasoo sheegayaa in dhinacyada dagallamaya ay banaanka iskula baxeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Dagaalkan ayaa socda in ka badan 30 daqiiqo, waxaana ciidamada dowladda u tagey gurmad, iyadoo sidoo  kale Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas xooggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News