U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada X/jajab Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada X/jajab ee  magaalada Muqdisho, ka sameeyeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu sugayey.

Wararku waxay sheegayaan in howlgalkaan lagu baarayey dhammaaan guryaha ku yaalla degmadaasi, waxaana ciidanku ay soo qabanayeen dhallinyarada guryahaasi ku sugan.

Goob barxad ah ayaa la isugu keenay dhammaan dhallinyaradii howlgalkaan lagu soo qabtay, waxaana ciidanku ay bilaabeen in su’aallo ay weydiiyaan dhallinyarada.

Goob jooge ku sugan degmada X/jajab ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay sii daayeen badi dhallinyaradii howlgalka lagu soo qabtay, kuwaasi oo Boqolaal gaarayey.

Waxaa jira dhallinyaro loo gudbiyey hay’adaha dambi baarista ah, si loo sii baaro, su’aallo kalena loo weydiiyo, waa sida goob joogahan ka gaabsaday magaciisa inoo xaqiijiyey.

Dhanka kale, saraakiisha ammaanka iyo maaamulka degmada X/jajab wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalka ciidamada dowladda ka sameeyeen degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News