U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Wada Bakool

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ay ka wadaan deegaanno kamid ah gobolka Bakool, kuwaasi oo amniga lagu xaqiijinayo.

Meelaha ay ciidankaan howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah degmada Xudur ee xarunta gobolkasi, iyo sidoo kale deegaanno kale oo halkaasi ku dhow.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammanka maamulka degmada Xudur, Aadan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in ciidanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ku dhow degmadaasi, howlgalladana ay yihiin kuwo ammanka lagu sugayo.

“Ciidanka waxay wadeen malmihii ugu dambeysay howlgallo nabad diidka looga saarayo deegaanno kamid ah gobolka, hadana waxaa socdo xaqiijinta ammanka deegaannadii lala wareegay iyo sidoo kale degmada Xudur” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale, Aadan Cabdi ma aanu sheegin haddii ay jirto cid ay howlgalkaan kusoo qabten iyo in kale.

Goobjoog News