U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Looga Hortagayo Xaalufka Dhirta Ka Sameeyey Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo looga hortagayo xaalufinta dhirta waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa howlgalkaan laga sameeyey, waxaana lagu burburiyey meello badan oo lagu gubay dhir si dhuxul looga dhigo.

Taliyaha saldhigga booliska degmada B/weyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo howlgalkaasi horkacayey ayaa saxaafadda u sheegay in cabasho badan ay ka timid dadka jara dhirta, islamarkaana ay cabasho usoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan degmada Matabaan iyo Nawaaxigeeda.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay arkeen dhir badan  oo la jaray, islamarkaana haddii ay sii socon lahayd ay shacabka deegaannadaasi halis ugu jiri lahaayeen nabaad guur aan kabsasho lahayn.

“Cabasho ayaa nasoo gaartay oo ah in geedihii oo dhan la jaray, annaga oo taas ka duuleyna ayaan howlgallo bilawnay, haddii xaaladda aan soo aragnay Todobaad sii socon lahayd waxaan aaminsannahay in halis badan ka imaan lahayd, dadka dhirtaasi jaray waxay ka daran yihiin col kusoo duulay dalka, burcad dhireed waaye, waxaan deegaankaan shaqo ka qabanay 23 Bakaarood (Goob dhuxusha lagu gubo) waxaan diyaar u nahay in nalagu dilo, annagane aan badbaadinno dhirta, waxaan haysannaa ammar ah in ninkii isku daya inuu nala dagaallamo inaan dilno, cidna kama yeeleyno in dhirta la jaro” ayuu yiri taliyaha.

Deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah waxaa kusoo badanayey xaalufka lagu hayo dhirta xilli la ogyahay in abaar baahsan ay gobolkaasi ka jirto.

Goobjoog News