U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ururka 6 aad Guutada 16 aad ee Kumaan dooska Xds ee Danab Guutada 5 aad ee Qeybta 27 aad ee Xds Ururuka 8 aad Guutada 18 Kumaandooska Xds ee gor gor, ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaanno dhawaan ay ciidamada kala wareegeen ururka alshabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka  ka sameeyay deegaannada Ceel lahele, Nuur Fanax, Beer xaane,Baardheere, Booco, Garasyaani iyo deegaannada hoostaga wabiga shabeelle.

Howlgalka ayaa waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Goobjoog News